Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mattis oo Booqanaya Japan iyo Korea-da Koonfureed


Xoghayaha cusub ee gaashaandhigga Mareykanka James Mattis ayaa noqonaya qofkii ugu horreeyey ee xil sare ka haya maamulka madaxweyne Donald Trump ee safar dibedda ah u baxa.

Mattis oo toddobaadkii tagay un uu ansixiyey aqalka senate-ka Mareykanka, ayaa tagi doona dalalka Korea-da Koonfureed iyo Japan.

Pentagon-ka ayaa sheegay in safarkan uu hoosta ka xariiqi doono sida Mareykanka ay uga go’an tahay ilaalinta xulufadiisa iyo sii xoojinta wada-shaqeynta amniga ee uu la leeyahay.

Mattis ayaa magaalada Seoul ee dalka Korea-da Koonfureed booqan doona kowda bisha Febraayo, halka uu saddexda bisha tegi doono magaalada Tokyo ee caasimadda dalka Japan.

Intii uu ku guda jiray ololaha doorashada, ayaa madaxweyne Trump waxa uu dalalka Korea-da Koonfureed iyo Japan oo labaduba marti-geliya kumanaan ciidan oo Mareykan ah ugu baaqay inay qaataan culeyska difaaca naftooda.

XS
SM
MD
LG