Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Waqtiga Doorashada Somaliland oo la Shaaciyey


Xisbiyada Somaliland

Doorashada madaxtooyada Somaliland oo lagu muransanaa wakhtiga la qabanayo ayaa la go'aamiyay in ay qabsoonto bisha October ee sannadkan.

Sida ay warbaahinta wadajir ugu sheegeen madaxweyne Siilaanyo, hoggaanka xisbiyada iyo guddida doorashooyinku, waxaa iyana la go'aamiyay in doorashooyinka golayaasha wakiillada iyo dawladaha hoose mar la wada qabto bisha October ee sannadka dambe.

Go’aanka xisbiyada ayaa yimid kadib wada-hadallo muddo socday oo hadba dhinac la iska taagayey.

Guddoomiye Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi Cirro ayaa sheegay in go’aanka maanta la gaaray uu yahay mid farxad gelinaya dhammaan bulshada Somaliland.

Warbixintan waxa magaalada Hargeysa ka soo diray Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye.

Xiliga doorashada Somaliland oo la shaaciyey
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:37 0:00

XS
SM
MD
LG