Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Suuqyada Hargeysa iyo Berbera oo Maanta la Xiray


Isu soo bax ganacsi
Isu soo bax ganacsi

Suuqyada waa weyn ee magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera ayaa maanta la xidhay, waxaana ganacsatada qaar ka mid ah suuqyadaasi ay isu-soo-bax ku muujiyeen cabasho ay ka qabaan sicir-barar in muddo ah isa soo tarayay.

Ganacsatada suuqyadan iyo dadweynaha danyarta ah ayaa sheegay in sicir-bararku ku keenay dhibaato baahsan.

Dhinaca kale, golaha wasiirada Somaliland oo kulan maanta arrintan ka yeeshay ayaa go'aamo ka soo saaray qodobbo ay sheegeen inay sabab u yihiin sicir-bararka oo ay ka mid tahay lacagta laysugu diro telefoonnada gacanta.

Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa warbixintan nooga soo diray Hargeysa.

Dibadbaxyo ka dhacay Somaliland
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:06 0:00

XS
SM
MD
LG