Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Boqolaal Kun oo Haween Ah oo ku Banaanbaxay Washington


Boqolaal kun oo qof oo u badan haween ayaa maanta ku bannaanabaxay fagaaraha National Mall ee Washington oo kasoo horjeeda Aqalka congress-ka oo shalay lagu dhaariyey madaxweynaha cusub ee Maraykanka Donald Trump.

Haweenkan ayaa isugu yimid bannaanbaxa iyaga oo kaga soo horjeeda siyaasadaha Trump, waxayna u ololaynayaan xuququda dumarka.

Bannaabaxyo kan la mid ah ayaa ka dhacay magaalooyin kale oo ku yaalla Maraykanka iyo kuwo kale oo caalamka ah sida London, Rome iyo Paris.

Dadka dibad baxa abaabulaya ayaa sheegay inay doonayeen inay fariin u diraan Donald Trumo maalinkiisii ugu horeeyey ee buuxa ee xafiiska una sheegaan in xuquuqda haweenka ay la mid tahay xuquuqda bani aadamka.

Dibadbaxayaasha ayaa ku baaqay sinnaan dhinaca jinsiga iyo midabka ah, daryeel caafimaad oo raqiis ah, iyo xuquuqda in dumarka ay iska soo ridaan ilmaha - arrimahaas oo au sheegeen inay halis ugu jiraan madaxtinimada Trump.

“Waxaan nahay Ameerika” Waxaa sidaas tiri jilaaga bulshada latin-ka ee America Farrera oo kumanaan dibadbaxayaal ah kula hadashay Washington.

“Kama tagi doono inaan nahay dalka muhaajiriinta oo noqon mayno dalka juhalada” ayey tiri.

Haddaba maxay doonayaan dumarka bannaanbaxaya, maxayse tahay ujeeddada isku soo baxan? Su’aalahaas iyo kuwo kale ayaa Nuur Bukhaari uu ka waraystay Saciido Shaie oo ku nool Gobolka Minnesota ee dalkan Maraykanka kana shaqaysa arrimaha bulshada.

Haween ku banaanbaxay Washington
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:59 0:00

XS
SM
MD
LG