Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mexico oo Dowlada Mareykanka u Gacan-gelisay El Chapo Guzman


Mexico Drug Lord Extradition
Mexico Drug Lord Extradition

Dowlada Mexico ayaa xalay usoo gacan gelisay Dowlada Mareykanka, Joaquin "El Chapo" Guzman oo ah gangistarka ugu weyn ee kooxaha ka ganacsado daroogada ee dalka Mexico.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Mexico ayaa lagu sheegay in Dowlada Mexico ku wareejisay Dowlada Mareykanka Mr Guzman Loera, kadib marki qareenadi u doodayey laga diiday codsigooodi ugu danbeeyey ee ahaa in aanan la dhiibin Guzman.

Soo gacangelinta El Chapo, ayaa lagu soo beegay saacado un kadib inta aanan xilka loo dhaarin madaxweynaha cusub ee Mareykanka Donald Trump.

El Chapo Guzman ayaa ahaa ninki loogu doon doonista badnaa ee dadka ka ganacsada mukhaadaraadka aduunka oo dhan, ka hor inta aanan la qaban bishii Janaayo ee sanadki 2016-ki.

XS
SM
MD
LG