Isku xirrada

Al-Shabab oo Dishay Askari u Dhashay Uganda


Askari Ugandan ah

Ururka Al-Shabab ayaa shalay sheegay inay dileen askari u dhashay Uganda oo ay hayeen tan iyo bishii September ee sanandkii 2015-ka.

Al-Shabaab ayaan bixin wax sabab ah oo ay u dileen askariga. Sidoo kale ma aysan sheegin taariikhda saxda ah ee dilku dhacay.

Askariga ayaa Al-Shabab ku sheegtay inuu magaciisu ahaa Masassa M.Y., waxaana la qabtay kadib markii Al-Shabab ay weerar ku qaadeen saldhiggii ciidamada Uganda ay ku lahaayeen magaalada Jannaale oo ay weerareen kowdii September 2015-kii.

Askarigan ayaa markii ugu horraysay bishii Sebtember ee lasoo dhaafay kasoo muuqday cajalad ay soo saareen Al-Shabab isagoo ugu baaqaya madaxweynaha Uganda inuu ciidamadiisa la baxo.

Al-Shabab ayaa dhinaca kale haya in ka badan 10 askari oo u dhashay dalka Kenya oo iyagana ay ku qabteen weerarkii sanadkii hore ay ku qaadeen saldhigga Ceel-Cadde ee Gobolka Gedo.

XS
SM
MD
LG