Iska dhac dhex maray ciidamada Nabad Sugida iyo Booliska degmada Cadaado ee caasimada ku meel gaarka ah ee Galmudug ayaa shalay sababey dhimashada afar askari iyo dhaawaca shan kale.
Iska horimaadkan ayaa ka dhashay kadib markii ciidanka Nabadsugidu ay tageen xarunta Xildhibaanada Galmudug oo dhawaan loo diidey in ay kulamo ku qabsadaan madaxtooyada Galmudug.
Magaalada Cadaado ayaa waxaa maalmahan ka taagnaa xisiad ka dhalatay xil ka qaadisy ay xildhibaanada Galmudug qarakood sheegeen inay ku sameeyeen madaxweyne Guuleed, taasi oo isna uu ku gacan seeray.
Xaaladda magaalada ayaa maanta ka daganeyd sidii hore.
Wariyaha VOA-da ee Gaalkacyo, Cabdiwaaxid Macalin Isaaq ayaa wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda Cadaado warbixintan nooga soo diray.