Doorashadii xubnaha Aqalka Hoose ee matalaya Somaliland ayaa mar kale maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaana maanta la doortay saddex kursi.
Dooarshada maanta ayaa lagu soo warramayaa inay hareeyeen buuq iyo gacan ka hadal dhexmaray ergooyinka wax dooranayey.
Doorashada kuraasta Aqalka Hoose ee gobollada waqooyi ayaa hadda mareysa meel gebo gebo ah, waxaana ka haray kaliya afar kursi oo la dooran doono maalmaha soo socda.
Dhameystirka kuraastan ayaa sahli doonta in la qabto doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo marar badan dib u dhac uu ku yimid.
Warbixintan waxaa magaalada Muqdishu kasoo diray weriyahayaga Xasan Kaafi Qoyste.