Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xisbiyada Somaliland oo Isku Raacay in Doorashada Dib Loo Dhigo


Doorashada Somaliland
Doorashada Somaliland

Xisbiyada siyaasadda Somaliland ayaa maanta go'aan ku gaadhay in doorashada madaxtooyada dib loo dhigo muddo lix bilood ah, waxaanay go'aankan u gudbiyeen guddida doorashada.

Go'aankan ayay xisbiyadu ugu gudbiyeen kulan maanta ay la yeesheen guddida doorashada.

Guddoomiyaha xisbiga talada haya ee Kulmiye Muuse Biixi ayaa sheegay in dib u dhigista doorashada ay ugu wacan tahay abaar darran oo ka jirta deegaanada Somaliland, oo adkeyn karta in doorashadu lagu qabtay waqtigii hore loo qorsheeyey.

Guddoomiyeyaasha xisbiyada Ucid iyo Waddani Feysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Cirro ayaa sidoo kale qaba in abaarta Somaliland ka jirta oo ah tii ugu darneyd ee muddo la arko darteed aan doorasho lagu qabin karin waqtigii hore loo go’aamiyey.

Kulankaasi ka dib ayaa guddoomiyayaasha Xisbiyadu warbaahinta la hadleen, waxaana warbixintan Hargeysa ka soo diray weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye.

Warbixin: Barkhad Maxamuud Kaariye
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:29 0:00

XS
SM
MD
LG