Isku xirrada

Baabuur ay Amisom Leedahay oo Dilay Dad Rayid Ah


Ugu yaraan sagaal qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen 15 kalena ay ku dhaawacmeen kadib markii gaari ay lahaayeen Ciidamada Amisom ay isku dhaceen gaari caasi ah oo ay saarnaayeen dad rakaab ah.

Dhacdadan ayaa waxa ay ka ka dhacday deegaanka calamada ee deegaanka Lafoole ee Gobolka Shabeelaha Hoose, meel qiyaastii 19 km u jirta magaalada Muqdisho.

War lagu qoray barta Twitter-ka ee AMISOM ayaa lagu sheegay in Howlgalka AMISOM uu ka xun yahay shilkaasi gaari ee dadka badan ay ku dhinteen.

Ayaan Xasan Xaaji oo ah guddoomiyaha deegaanka Lafoole ayaa sheegtay in AMISOM ay u sheegtay in baabuurkooda uu farriinka goostay.

Wariyeheenna Sahra Cabdi Axmed ayaa wareysatay Ayaan Xasan Xaaji.

XS
SM
MD
LG