Isku xirrada

Doorashada Aqalka Sare oo ka Dhacday Muqdisho


Xarunta Aqalka Sare

Seddex xildhibaan oo ka mid noqonaya xubnaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa maanta lagu doortay magaalada Mqudisho ee caasimadda Soomaaliya.

Saddexdan kursi ayaa laba ka mida waxaa ku guuleestay laba haween ah oo kala ah Nuurto Faarax Jaamac iyo Deeqo Xassan Xuseen.

Xubnaha maanta la doortay ayaa ahaa xubnihii ka harsanaa matalaadda gobollada Waqooyi, waxaana hadda harsan kaliya laba kursi oo ka mid ah 54-ka kursi ee Aqalka Sare uu ka kooban yahay.

Dhanka kale xildhibaanada aqlka sare ayaa doortay guddiga qaban qaaabda doorashooyinka gudoonka Aqalka Sare iyaga oo sheegay in doorashada guddoonka Aqalka Sare ay dhici doonto 22-ka bishan.

Warbixintan waxaa magaalada Muqdisho kasoo diray Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.

XS
SM
MD
LG