Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jawaari oo Dib Isugu Sharxay Afhayeenka Baarlamanka


Jawaari

Guddoomiyihii hore ee baarlamanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari ayaa maanta sheegay inuu mar kale isku sharxayo xilka guddoomiyaha Aqalka Hoose ee baarlamanka cusub.

Jawaari oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay “in codsiyo badan oo kasoo gaaray shacabka, xildhibaano iyo siyaasiyiin” oo ku aadan inuu is-sharxo kadib uu go’aansaday inuu mar kale dib isu soo taago.

Jawaari ayaa ballan-qaaday in haddii dib loo doorto uu golaha shacabka ku hoggaamin doon “si dhex-dhexaad ah oo aan eex lahayan”, uuna ku rajo weyn yahay in xildhibaanada cusub ay codkooda siin doonaan.

“Waxaan aaminsanahay in xilka hogaaminta Baarlamaanka Soomaaliya oo ah saldhigga awoodda dowladnimada Soomaaliyeed uu yahay xilka ugu culus seddexda xil ee ugu sareysa dalka uuna yahay tiirarka awoodda dowladnimada” ayuu yiri Jawaari.

Waxa uu sheegay in maanta ama beri uu si rasmi ah guddiga doorashada baarlamanka ugu gudbin doono musharaxnimadiisa, isna diiwaangelin doono.

Jawaari ayaa ahaa afhayeenka baarlamanka Soomaaliya intii u dhaxeysay 2012 illaa 2016.

XS
SM
MD
LG