Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Guddoonka Baarlamanka Oo Weli Aysan Cidna Isku Sharxin


Xildhibaanada cusub
Xildhibaanada cusub

Guddiga doorashada ee ay dhowaan sameeyeen baarlamaanka ayaa shalay ku dhowaaqay in doorashada Guddoonka Baarlamaanka la kala qaban doono maalmaha taariikhdu tahay 11-ka iyo 12-ka bishan Janaayo.

Maalinta Arbacada ee soo socota ayaa la dooran doonaa Guddoomiyaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka. Warar lagu kalsoon yahay oo aan helnay ayaa sheegaya in ilaa haatan uusan jirin musharrax soo gudbiyey codsigiisa ku aaddan Guddoomiyennimada Baarlamaanka iyadoo maalinta kama dambaysta u ah in lagu soo gudbiyo araajida ay ku beegan tahay Khanmiista 5-ta Janaayo.

Hase yeeshee xubanah diiwaangelinta musharrixiinta ayaa sheegay inay lasoo xiriirreen dad badan oo doonaya inay isa soo sharraxaan kuwaasi oo weydiinaya su'aalo ku saabsan shuruudaha laga doonayo musharraxa.

Guddiga ayaa horey u sheegay in musharraxa doonaya Guddoomiyennimada Baarlamaanka looga fadhiyo inuu bixiyo $15,000 oo ah diiwaangelintaa, halka Guddoomiye Ku Xigeneka Baarlamaanka laga doonayo inuu bixiyo $10,000.

Maalinta Khamiista ah ee soo socota oo bishu tahay 12-ka Janaayo ayaa la filayaa inay dhacdo doorashada Guddoomiye Ku Xigeenka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka.

XS
SM
MD
LG