Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Daacish oo Sheegatay Weerarkii Istanbul


Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii sanadka cusub lagu qaaday baar lagu caweeyo oo ku yaalla magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, kaasi oo lagu dilay 39 qof.

Kooxda ayaa bayaan kasoo baxay ku sheegtay in “Askarta khilaafada” ay fuliyeen toogashadii lagu qaaday baarkaas.

Weerarka ayaa bilowday subaxnimadii hore ee Axadda markii nin hubeysan uu dilay sarkaal boolis iyo qof shacab ahaa oo dibeddda ka joogay baarka Reina ka hor inta uusan gudaha u galin.

Qiyaastii 600 oo qof ayaa ku sugnaa gudaha baarka markii weerarka uu dhacay, ayada oo qaar ka mid ah ay isku tuureen marinka Bosporus, si ay weerarka uga baxsadaan.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in qofka weerarka fuliyey uu isku daray dadkii baarka ka baxsanayey. Marka laga soo tago dadka la dilay, 70 qof oo kale ayaa weerarka lagu dhaawacay.

Madaxweyne Reccep Tayyip Erdogan ayaa toogashada ku qeexay “weerar wuxuushnimo ah”.

XS
SM
MD
LG