Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Heshiis Markale laga Gaaray Colaadda Galkacyo


Madaxda Puntland iyo Galmudug oo ay la taagan yihiin Madaxweynaha, RW iyo Wakiilka QM ee Somalia (Sawir by Radio Muqdisho)
Madaxda Puntland iyo Galmudug oo ay la taagan yihiin Madaxweynaha, RW iyo Wakiilka QM ee Somalia (Sawir by Radio Muqdisho)

Hoggaamiyayaasha maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa maanta xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho uga dhawaaqay heshiis ay sheegeen inay ka gaareen colaadda magaalada Gaalkacyo.

Qodobka ugu muhiimsan heshiiska ayaa ah in magaalada Gaalkacyo loo sameeyo booliska isku dhaf ah oo talis qura ka amar-qaata. Kulankan ay labada dhinac heshiiska uga dhawaaqeen waxaa goobjoog ka ahaa madaxweyne Xasan Sheekh, Ra’iisul-wasaaare Cumar CAbdirashiid, iyo waliba wakiilka QM ee Somalia.

Madaxweynaha Puntland C/weli Cali Gaas ayaa saxaafadda u sheegay go’aammada ay labada dhinac isla gaareen, oo ay ku jiraan in ciidamada la kala qaado, in boolis isku dhaf ah magaaladu yeelato iyo inay dib magaalada ugu soo noqdaan dadkii ka qaxay.

Madaxweynaha Galmudug Cabdikarim Xusen Guleed ayaa isna kulanka ka sheegay in haddii heshiiska la gaaray ay labada dhinac fuliyaan ay taasi horseedi karto in magaalada Gaalkacyo nabad ku soo noqoto.

Ra’iisul-wasaaraha Somalia, Cumar Cabdirashiid ayaa isna kulankaas ka sheegay in madaxda Puntland iyo Galmudug ay isku afgarteen in colaadda hab amni iyo mid siyaasadeed-ba loo xaliyo.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh ayaa ammaanay heshiiska ay labada dhinac ka gaareen colaadda magalada Gaalkacyo, oo uu sheegay inay tahay magaallo muhiim u ah dhaq-dhaqaaqa ganacsiga Somalia.

Maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa horey u gaaray heshiisyo miro dhali waayay oo ay ku doonayeen in lagu soo afjaro colaadda Gaalkacyo ee u dhaxeysa labada maamul.

Heshiiska Galmudug iyo Puntland
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:10 0:00


XS
SM
MD
LG