Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hoggaamiyaha Boko Haram oo soo Hadlay



Hogaamiyaha Boko Haram Abubakar Shekau ayaa kasoo muuqday cajalad video ah, isaga oo inkiriyey sheegashada dowladda ee aheyd in ay maleeshiyaadkan ka xaaqday keymaha Sambisa.

Shekau oo ku hadlayey luuqadaha xoowsaha iyo Carabiga ayaa sheegay in muuqaalkan uu soo duubay 25-ki bishan December oo ku beegneyd maalinta ciida masiixiga, balse ma uusan sheegin halka uu joogo.

Wuxuu sheegay inay nabad qabaan oo aysan dowlada ka bixin juqda Sambiza.

Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari ayaa 23-ki bishaan December sheegay in milatariga Nigeria ay maleeshiyaadka Boko Haram ka qabsadeen saldhig ay ku lahaayeen keymaha Sambisa oo ah saldhiga ugu weyn ee kooxdan.

XS
SM
MD
LG