Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxaa Lagu Xusuusan Doonaa Obama


Madaxweyne Barack Obama ayaa soo gabagabeynaya xiligii uu xilka madaxweynenimo hayey, isaga oo ah madaxweynihii 44-aad ee Maraykanka soo mara.

Obama oo 47 jir ahaa markii uu doorashada helay, ayaa ballan qaaday rajo iyo isbeddel, waxana uu hadda Aqalka Cad ka tagayaa 8 sano kadib, isaga oo ra’yi uruurinta dadka laga qaado ay muujinayso inuu yahay mid ka mid ah madaxweyne sida ugu weyn raalida looga yahay, iyada oo 59% dadka Maraykanku ay sidaas arkaan.

Obama waxa sidoo kale xafiiska ka tagaya isaga oo qofkii uu doonayey inay beddesho oo ah Hillary Clinton uu Donald Trump oo la tartamayey si weyn uga guuleystay.

Trump ayaa ballan qaaday inuu beddelayo qoddobo muhiim ah oo Obama uu dhaqan galiyey.

Wariyaha VOA-da Cindy Saine ayaa eegaysa qaar ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee Obama lagu xasuusanayo, hogaamiye ahaan iyo qof ahaanba.

Maxamed Cabdi Sandhere ayaa inoo soo koobaya.

Maxaa lagu xusuusan doonaa Obama
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:13 0:00

XS
SM
MD
LG