Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Israel oo Deegaano Cusub ka Sameyneysa Jerusalem


Guddiga dowladda hoose ee magaalada Jerusalem ayaa maanta joojiyey qorshe uu ku eegi lahaa codsiyo ku saabsan deegaano cusub oo laga sameynayo dhulkii Israel ay ku qabsatay dagaalkii 1967-kii.

Guryahan cusub oo laga dhisayo bariga Jerusalem ayaa la qorsheeyey maalmo yar un kadib markii golaha ammaanka ee QM uu ansixiyey qaraar cambaareynaya deegaameynta Israel ay ka waddo Jerusalem.

Qaraarkaasi oo lagu ansixiyey 14-0 ayaa waxaa ka aamusay dowladda Mareykanka.

Israel ayaa talaadadii sheegtay ‘inay hayso akhbaar’ muujineysa in dowladda Mareykanka ay agaasintay qararaarka, taasi oo afhayeenka waaxda arrimaha dibedda Mareykanka Mark Toner uu beeniyey.

Dhinaca kale Israel ayaa ka walaacsan shir caalami ah oo nabadda bariga dhexe ku saabsan oo 15-ka January 2017 ka furmaya magaalada Paris, kaasi oo dhalin kara qaraar kale oo QM ay soo saarto ka hor inta Donald Trump uusan madaxweyne noqon 20-ka January.

XS
SM
MD
LG