Isku xirrada

Duufaano Dad ku Dilay Dalka Philippines


Ugu yaraan laba qof ayaa la xaqiijiyey in ay ku geeriyoodeen kadib marki ay duufaanta Nock-Ten garaacday xeebaha u dhaw magaalada Manila ee dalka Philippines.

Booliska ayaa sheegay in labada ruux ee dhintay oo ahaa lamaane ay la tageen daadad ay duufantu sababtay, gobolka Albay ee koonfurta magaalada caasimadda ah ee Manila.

Duufaanta oo axadii ku socotay xawaare dhan 255 km saacadiiba ayaa si aad ah u waxyeeleysay jasiirada fog ee Catanduanes.

Inkasta oo ay wali jiraan roobab xoog leh, haddana saraakiisha ayaa sheegay in xawaaraha duufaanta uu maanta hoos ugu dhacay 130 kilometers saacadiiba.

Waxaa la saadaalinayaa in duufaanta Typhoon Nina ay galabta u dhaqaaqdo dhinaca waqooyi, iyadoo dalka Filibiin ay uga sii tallaabi doonto dhinaca Bada Koonfureed ee Shiinaha.

XS
SM
MD
LG