Isku xirrada

Baarlamanka Kenya oo Ansixiyey Sharci Muran Dhaliyey


Baarlamaanka Kenya ayaa maanta waxa uu meel mariyay sharci isbeddel lagu sameynayo xeerka doorashada 2017-ka.

Shracigan ayaa guddiga doorashada u oggolaanaya in dadku ay warqado ku codeyn karaan, haddii qalabka elektaroonikada ee lagu coddeeyo uu shaqeyn waayo meelaha qaar.

Fadhiga maanta ayaa mar kale waxaa ka dhacay buuq badan iyo gacan ka hadal dhexmaray xubanaha xibsiga talada haya iyo xubanaha mucaaradka oo iyagu sharcigan diidan.

Warbixintan kooban waxaa Nairobi ka soo diray Khadar Maxamuud Xareed.

XS
SM
MD
LG