Isku xirrada

Miisaaniyadda Somaliland ee 2017 oo la Ansixiyey


Siilaanyo

Somaliland ayaa maanta asixisay Miisaaniyadda Somaliland ee sannadka 2017 taas oo gaadhaysa illaa 362 Milyan oo dollar.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada, Miisaaniyadda sannadkan ayaa ka badan miisaaniyaddii sannadkii hore 27%.

Miisaaniyaddan ayaa baddankeeda ka imanaysa cashuuro laga qaado dekedda Berbera iyo kastamada cashuuraha ee kala geddisan, waxaana ka dhex muuqda miisaaniyadda illaa 16 Milyan oo dollar oo la sheegay inay tahay kaalmo laga filayo beesha caalamka.

Ansixinta miisaaniyadda ee sannadkan ayaa ku soo beegmaysa xilli dhawaan la hakiyey xoolihii aadi jiray Sucuudiga kuwaas oo Somaliland ay ka heli jirtay dhaqaale aad u badan.

XS
SM
MD
LG