Isku xirrada

Doon sidatay calanka dalka Hindiya kuna soo socotay magaalada Boosaaso ayaa ku degtay meel xeebta u jirta ilaa 14 mayl.

Qaar ka mid ah rakaabkii doontaasi saarnaa ayaa weli la la’yahay in kastoo intiida badan lasoo badbaadiyey.

Yuusf Muuse Jaamac oo ka mid ah ganacsatada ay doontu u rarnayd, ayaa sheegay in sagaal qof la helay halka saddex qofna la la’yahay. Qof ka mid ah sagaalka la helay ayaa dib ka geeriyooday.

12-ka qof ee doonta saarneyd ayaa 10 waxay u dhasheen dalka Hindiya, halka 2 qofna ay ahaayeen Soomaali.

Falastiin Axmed Iimaan ayaa shilka doonta ka waraysatay Yuusf Muuse Jaamac.

XS
SM
MD
LG