Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabaab oo Dilay 5 Qof oo Xoolo Dhaqato ah


Shabaab

Maleeshiyada kooxda Al-Shabaab ayaa shan ruux oo xoolo dhaqato ah ku diley meel 75 km u jirta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Arrintaan ayaa ka dambeysay kadib isku dhacyo u dhaxeeyay dadka deegaanka, xoolo dhaqatada iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo ka dhashay qaadista Xoolo ay Al-Shabaab dadka weydiisteen inay bixiyaan.

Dadka xoola dhaqatada ah oo taageero ka helaya Maamulka Jubbaland iyo AMISOM ayaa dhowr jeer oo sii horeysay iska caabiyay maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab oo weerar ku soo qaaday.

Iftin Xasan Baasto oo ka mid ah xildhibaanada Aqalka Sare ee Soomaaliya, islamarkaana ka mid ahaa mas’uulyiin iyo saraakiil tagay goobta ay Al-Shabaab dadkaan rayidka ah ku dileen ayaa u warramay Wariyaha VOA ee magaalada Nairobi Khadar Maxamuud Xareed.

Al-Shabaab oo dilay xoolo dhaqato
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:17 0:00

XS
SM
MD
LG