Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Putin oo ka Hadlay Dilka Safiirkii Russia ee Ankara


Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa cambaareeyey, kuna sheegay ficil argagixiso weerarkii lagu dilay safiirkii Ruushka ee magaalada Ankara.

“Shaki kuma jiro in fal-dambiyeedka la gaystay uu yahay mid looga gol leeyahay in lagu xumeeyo xiriirka Ruushka iyo Turkiga iyo hanaanka nabadda Syria, ayada oo ay gacan ka gaysanayaan Russia, Turkey iyo Iran” ayuu yiri Putin.

Askari aanan markaasi shaqada ku jirin oo ka tirsanaa ciidamada booliska dalka Turkiga ayaa habeenimadii Isniinta toogasho ku dilay safiirkii dalka Ruushka u fadhiyey magaalada Ankara ee Turkiga.

Danjire Andrei Karlov ayaa khudbad ka jeedinayey carwo lagu soo bandhigayey sawirro, marki uu toogashada ku billaabay nin si wanaagsan u labisnaa oo marki horena meel geesa ka taagnaa masraxa dad bandanna ay u heysteen inuu ka mid ahaa ilaalada safiirka.

Isagoo aanan wax digniin ah siinin ayuu ninkani gadaal ka toogtay safiirka, isaga oo kadibna ku qeyliyey ALLAHU AKBAR, kadibna ku dhaartay inuu u aargudayo wax uu ku tilmaamay dilka ay Ruushka ku leynayaan dadka rayidka ah ee reer Suuriya.

Saddex ruux oo kale ayaa ku dhaawacantay weerarkaasi, ka hor inta ninkani aysan toogan ciidamada booliska.

Duqa magaalada Ankara Melih Gokjek ayaa sheegay in ninka weerarka fuliyey uu ahaa 22 jir ka tirsanaa ciidanka booliska, magaciisana uu ahaa Mevlut Mert Altintas.


XS
SM
MD
LG