Isku xirrada

Boliiska oo Baaraya Weerarkii Berlin


Booliska magaalada Berlin ee dalka Jarmalka ayaa maanta sheegay inay baarayaan aqoonsiga qof baabuur kuwa xamuulka ah xalay ku jiirsiiyey suuq ku yaala magaalada Berlin, halkaas oo ay ku dhinteen 12 ruux, 50 kalena ay ku dhaawacmeen.

Weerarkani ayaa ka dhacay banaanka suuqa laga dukaameysto ee Kaiser Wilhelm Memorial Church xilli ay dad badan oo Jarmal ah u dabaal dagayeen cidda masiixiiyiinta.

Mid kamid ah laba ruux oo waday baabuurka dadka lagu jiiray ayaa la xiray, halka kan kalena laga dhex helay gaariga dhexdiisa isaga oo meyd ah.

Booliska ayaa weerarkaani jiirsiinta ah ku tilmaamay fal argagixiso. Illaa iyo hadda ma jirto koox si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

XS
SM
MD
LG