Dawladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aankii Xafiiska Musuq Maasuqa Daran ee Boqortooyada Ingiriiska uu ku soo afjaray baaristii lagu hayay sharikadda Soma Oil & Gas Exploration Limited (SOMA).
SOMA ayaa lagu eedeeyay in lacago laaluush ah ay siisay mas’uuliyiin Soomaaliyeed oo ka tirsan Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta.
Wariyaha VOA-da ee London, Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayaa khadka taleefonka kula xiriiray Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Maxamed Mukhtaar, waxaana uu marka hore wasiirku sharaxayaa heshiiska Soma Oil iyo sida ay u arkaan go’aanka Xafiiska Musuq-maausqa daran ee UK uu ku hakiyay baaristii lagu hayay Soma Oil and Gas.