Doorashada labada Aqal ee ka socotay Soomaaliya ayaa soo gaartay meel gebagebo ah, ayada oo lasoo doortay inta badan xildhibaanada Aqlaka Sare iyo kuwa Aqalka Hoose.
Si kastaba, waxaa muuqata inaan lasoo dhamaystirin ama aan la soo buuxin qoondadii haweenka ee ahayd 30%, kana mid aheyd shuruudaha doorashada.
Wariyeheenna magaalada Muqdisho Seynab Abuukar Maxamed ayaa warbixintan ku eegeysa qoondada haweenka iyo sababihii ay usoo dhameystirmi weysay.