Isku xirrada

War Deg-Deg ah

AMISOM oo 11 Rayid ah ku Dishey Sh/Hoose


Sida uu VOA-da u xaqiijiyey gudoomiyaha Shabeellaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali oo loo yaqaan Najax, ciidamada AMISOM ayaa labo goobbood kala duwan ku kala diley 6 iyo 5 ruux oo shacab ah.

Gudoomiye Najax ayaa sheegay in duleedka magaalada Qoryooley ay AMISOM ku dileen 6 qof, kadib markii ay Baasuuke ku dhufteen gaari ay saarnaayeen. Halka duleedka Markana uu gaari ay AMISOM leeyihiin uu jiirey reer gurigoodi ku jira oo ka koobnaa hooyo iyo 4 caruur ah.

Gudoomiye Ibraahim Aadan oo waramey Jaamac Buulle Jaamac ayaa faahfaahinaya dhacdooyinkan.

please wait

No media source currently available

0:00 0:07:46 0:00

XS
SM
MD
LG