Isku xirrada

Jaamac Saxardiid oo u Geeriyooday Dhaawacii Soo Gaaray


Boosaaso

Taliye ku xigeen ka saddexaad ee ciidamada booliska Puntland oo dabley hubeysani ay shalay dhaawac halis ah ugu geysteen gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa geeriyooday.

Gaashaanle Sare Jaamac Saxardiid Cabdi, oo lagu daweynayey isbital ku yaalla magaalada Boosaaso oo qalliin lagula sameeyey ayaa u geeriyooday dhaawacyadii kasoo gaaray rasaastii shalay lagu dhuftay.

Jaamac Saxardiid ayaa dabley bastoolado ku hubeysnaa waxay shalay soo weerareen isaga oo shaah ku cabaya banaanka hotelka Medina ee magaalada Boosaaso oo uu deganaa.

Dableyda weerarka gaysatay ayaa baxsaday, hase yeeshee taliyaha ciidamada Booliiska Puntland ayaa sheegay inay garanayaan islamarkaana ay soo qbaan doonaan.

XS
SM
MD
LG