Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Boosaaso: Weerar Lagu Dhaawacay Taliye Sare


Boosaaso

Taliye ku xigeen ka saddexaad ee ciidamada booliska Puntland ayaa maanta dabley hubeysani ay dhaawac halis ah ugu geysteen gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Gaashaanle Sare Jaamac Saxardiid Cabdi, ayaa dableyda oo bastoolado ku hubeysnaa waxay soo weerareen isaga oo shaah ku cabaya banaanka hotelka Medina ee magaalada Boosaaso oo uu deganaa.

Dableyda weerarka gaysatay ayaa baxsaday, hase yeeshee taliyaha ciidamada Booliiska Puntland ayaa sheegay inay garanayaan islamarkaana ay soo qbaan doonaan.

Faadumo Yaasiin Jaamac ayaa warbaaxintan kasoo dirtay magaalada Muqdisho.

Taliye lagu dhaawacay Boosaaso
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:30 0:00

XS
SM
MD
LG