Isku xirrada

Wefti ka Socda Jabuuti oo Tagey Hargeysa


Hargeysa

Wefti uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Jabuuti Xasan Cumar Maxamed, ayaa maanta socdaal ku tegay magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.

Weftiga ayaa kulan la yeeshay masuuliyiinta dawladda Somaliland oo uu ka mid yahay madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo wasiiro uu ka mid yahay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.

Weftiga ayaa kulammadaa ka dib warbaahinta u sheegay in socdaalkoodu la xidhiidho arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga dhinaca amniga ee labada dhinac iyo xoojinta xiriirka labada dal.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratool ayaa sheegay in labada dhinac ay isla garteen arrimo dhowr ah, balse ma uusan shaacin waxa ay arrimhaas yihiin.

Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa warbixintan ka soo diray Hargeysa.

XS
SM
MD
LG