Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dad Rayid ah Oo Dilay Taliye Sare oo Shabaab Ah


Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in laba nin oo rayid ah ay toogasho ku dileen mid ka mid ah Taliyeyaasha Sare sare ee Al-shabab ee gobolka aad looga yaqaan oo la yirahdo Cabdiraxman Raaxaale.

Weerarka lagu dilay ninkan waxa uu ka dhacay deegaanka Ceel Dheere Barsane oo qiyaastii 50 km u jirta magaalada Jowhar.

Labadan nin ayaa waxaa saldhigga booliska ee Jowhar ku soo bandhigay ciidamada Boolsika iyagoo sharaxay sababta ku kaliftay ama ku dhiiri gelisay inay weeraraan ayna toogtaan sarkaalkan ka tirsanaa al-shabab.

Wariyaheenna Jamaal Axmed Cusmaan ayaa Khadka taleefanka jowhar kula xiriiray, mid ka mid ah raggan oo lagu magacaabo Ibrahim Aden Macalin.

Taliye Shabaab ah oo la dilay
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:43 0:00

XS
SM
MD
LG