Isku xirrada

Trump oo Magacaabay Xoghayaha Arrimaha Dibedda


Rex Tillerson

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa madaxa shirkadda ExxonMobil, Rex Tillerson u magacaabay xoghayaha cusub ee arrimaha dibedda.

Tillerson oo saaxiib la ah madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa 41 sano ka shaqeynayey shirkadda saliida ee ExxonMobil.

Trump ayaa sheegay in aqoonta Tillerson uu u leeyahay inuu maamulo shirkad caalami ah ay muhiim u tahay inuu si guul leh u hoggaamiyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda.

“Hal adeeggiisa, khibraddiisa ballaaran iyo fahamkiisa qotada dheer ee siyaasadda caalamiga ah ayaa ka dhigeysa inuu noqdo qofka ugu habboon Xoghayaha Arrimaha dibedda” ayuu Trump ku yiri bayaan kasoo baxay.

“Waxa uu sare u qaadi doonaa xasiloonida gobolka, waxaana uu diiradda saari doonaa danaha qaran ee Mareykanka”.

Tillerson ayaa ay adkaan doontaa in Aqalka Senate-ka Mareykana uu ansixiyo, ayada oo xubno badan oo xisbiga Jamhuuriga ay shaki ka muujiyeen magacaabistiisa.

Xiriirka Tillerson uu la leeyahay madaxweynaha Russia Valdimir Putin “ayaa ah arrin walaac leh” sida uu sheegay senator John McCain oo jamhuuri ah.

XS
SM
MD
LG