Isku xirrada

Dowladda Turkiga oo Xirtay Kurdiyiin Badan


Turkey Explosions

Booliska Turkiga ayaa xiray ilaa iyo 118 sarkaal oo ka tirsan xibiga (HDP) ee taageero dadka Kurdiyiinta Turkiga, kadib markii ay Dowlada ku eedeysay in xisbigani uu xiriir la leeyahay kooxda fallaagada PKK ee dagaalka kula jirto dowladda Turkiga.

Cutubyo ka tirsan ciidamada booliska oo ay kor ka caawinayeen helikobtarro ayaa sameeyey howlgalkan oo ka dhacay magaalooyin badan oo ay ku jiraan caasimada Ankara iyo magaalada ugu weyn wadanka ee Istanbul.

Dadka la xiray ayaa waxaa ku jiro madaxdi xisbiga HDP.

Howlgalka ay ciidamada ku xireen dadkani oo laga sameeyeey dhammaan gobollada dalka, ayaa ka danbeeyey kadib markii ay kooxda PKK sheegatay laba qarax oo mataana ahaa oo Axadii lala beegsaday garoonka kooxda kubada cagta Besiktas ee magaalada Istanbul, halkaas oo ay ku dhinteen ilaa iyo 38 ruux, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 150 qof.

Saacado yar kadib marki ay PKK sheegatay weerarka ayey diyaaradaha milatariga Turkigu duqeeyeen fariisimo ay jabhadani ku leedahay waqooyiga dalka Ciraq.

XS
SM
MD
LG