Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mid ka Mid ah Ergada Wax Doortay oo La Dilay


Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa saaka dil toogasho ah magaalada Muqdisho ugu geystay, C/qaadir Cabdi Sheekh Cali oo ka tirsanaa ergooyinkii soo doortay qaar ka tirsan xildhibaannada cusub ee sanadkan.

Sida ay noogu warrameen ehelka marxuumka, waxa uu saakay sagootiyay gabar ay qaraabo yihiin oo dhoofeysay, markii ay gaareen halka dhawaantan loo asteeyay in lagu baaro rakaabka duulaya, basaskana looga daabulo oo ku taalla meel qiyaastii hal Km dhanka waqooyi kaga beegan garoonka Aadan-cadde ayuu askarigu rasaasta ku furay.

Ilaa hadda si buuxda looma oga waxa dhex-maray C/qaadir Cabdi Sheekh Cali oo ninka la dilay ah iyo Askarigii dilka geystay, waxaanay dad goobta joogay oo magacooda inaan adeegsanno diiday ay VOA u sheegeen in ay kusoo baraarugeen un dhawaqa rasaasta dilka lagu geystay.

Askarigii wax dilay ayaa gacanta lagu dhigay waxaana durbadiiba lageeyay xarunta dambi-baarista ee CID, oo kiiskiisa lagu baarayo.

C/qaadir Cabdi Sheekh Cali oo isla maantaba la aasay waxa uu kamid ahaa Ergadii maalmo ka hor magaalada Jowhar ee gobolka Sheekh Dhexe kusoo dooratay xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre.

XS
SM
MD
LG