Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muslimiinta Jakarta oo ka Dibadbaxaya Barasaab Kirishtan Ah


Tobanaan kun oo dibadbaxayaal ah ayaa isugu soo ururay caasimadda dalka Indonesia ayaga oo dalbanaya in lasoo xiro barasaabka Jakarta.

Saraakiisha ayaa sheegay in in ka badan 20,000 oo ciidamada ammaanka ah lagu daadgureeyey magaalada si loo xaqiijiyo in banaanbaxyada ka dhanka ah Basuki Tjahaja Purnam aysan isu rogin kuwa rabshado wadata, sidii dhacday bishii tagtay.

Basuki oo Kirishtan ah loona yaqaan Ahok ayaa doonaya in dib loogu doorto barasaabka Jakarta bisha February.

Waxaa loo maxkamadeeyey inuu diinta u gefay, markii horaantii sanadkan uu ku gacan seeray aayado qur’aanka ka mid ah oo uu adeegsaday ninka isaga la tartamaya, kaasi oo ka digay in muslimiinta ay taageeraan qof aan muslim ahayn.

Ahok ayaa kadib cudur daartay, waxaana uu sheegay inuusan marnaba damacsaneyn inuu muslimiinta u gefo, hase yeeshee raali-gelintiisa ayaan waxba ka bedelin fikirka muslimiinta ka carreysan in magaalo ay muslimka u badan yihiin uu xukumo qof Kirishtan ah.

Ahok waa qofkii ugu horeeyey oo Kirishtan ah oo barasaab ka noqda Jakarta muddo ka badan nus qarni.

XS
SM
MD
LG