Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump Oo Iska Wareejinaya Hantidiisa


trump
trump

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu faraha kala baxayo ganacsigiisa si uu oga fogaado inay is-qabtaan dantiisa iyo tan dalka, marka xukunka uu la wareego 20-ka bisha January ee sanadda 2017.

Trump oo la filayo inuu noqdo madaxweynihii ugu taajirsanaa ee Mareykanka, ayaa bartiisa twitter-ka ku sheegay inuu wareejin doono maamulka hoteeladiisa, garoomada cayaarta goolafta, xeebaha dalxiis iyo alaabta magaciisa lagu soo saaro.

Trump waxa uu sidoo kale yiri inuu wareejin doono dhismayaal u dhigma balaayin dollar oo ku yaalla Mareykanka iyo 18 dal oo kale.

Sharciga Mareykanka qasab kama dhigayo in Trump uu hantidiisa wareejiyo, hase yeeshee waxa uu sheegay inuu dareemayo inay tani muhiim tahay si aysan isaga horiman danta ganacsigiisa iyo tan dalka.

Waxa uu yiri in madaxweynenimada ay tahay shaqo aad muhiim ah. Trump ayaa la filayaa inuu caruurtiisa ku wareejiyo hantidiisa.

XS
SM
MD
LG