Guudoomiyaha guddiga hirgalinta doorashada dadban ee Somaaliya Cumar Cabdulle Dhegey ayaa sheegay in doorahsada madaxweynaha Soomaaliya ay ka dib dhici doonto waqtigii loo qorsheeyay oo ahayd 30-ka bishan.
Guddoomiyuhu ma sheegeen taariikhda ay doorashadu qabsoomayso. Waxaa sidoo kale la ogeyn xilliga la qabanayo doorashada guddoomiyaha baarlamanka.
Magaalooyinka xarumaha u ah mamaul goboleedyada waxaa iminka ka socda doorashooyinka xildhibaanada Aqalka Hoose ee baarlamanka, kuwaasi oo ayaga oo aan la dhmeystirin aysan doorashada madaxweynaha dhici karin.
Warbixintan waxa Muqdisho ka soo direy wariyaha VOA Cabdiqaadir Maxamed Cabdulle.