Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dadka Kenya oo Doonaya in Ciidamadooda Laga Soo Saaro Somalia


70% dadka Kenya ayaa doonaya in ciidamada dalkooda laga soo saaro dalka Soomaaliya, sida lagu ogaaday ra’yi ururin cusub.

53% dadkaas ayaa doonaya in ciidamada lagu daad gureeyo xuduudda, halka 9% ay doonayaan in ciidamada ay dalkooda kusoo laabtaan, haddii Midowga Afrika uu heli karo ciidamo beddela.

8% dadka Kenya ayaa raba in ciidamadooda ay kusoo laabtaan dalka, haddii la helo kuwo beddela iyo hadii kaleba.

Warbixinta oo ay baahisay hay’adda Twaweza East Africa, ayaa lagu ogaaday in kaliya 2% dadka Kenya ay aaminsan yihiin in ciidamada oo laga soo saaro Soomaaliya ay yareyn doonto xagjirnimada ka dhex jirta bulshooyinka laga tirada badan yahay.

Ra’yi uruurinta ayaa sidoo kale lagu ogaaday in 80% dadka Kenya ay aaminsan yihiin in kooxda Al-Shabaab ay weli halis ku tahay ammaanka dalka Kenya.

80% dadka Kenya ayaa sidoo kale taageersan go’aanka ay dowladda ku xireyso xerada qaxootiga Dhadhaab.

XS
SM
MD
LG