Xalay magaalada Nairobi waxaa lagu soo bandhigay Film la magac baxay Qab iyo Iil oo uu akatar ka ahaa wariyaha Caanka ee Soomaaliyeed Axmed Xassan Cawke.
Bandhigga Filimkan oo la duubay maalmihii u dambeeyay ee nolosha Allaha u naxariistee Axmed Xasan Cowke ayaa lagu soo beegay sanad guurada ka soo wareegtay maalintii uu geeriyooday.
Wariyaha VOA-da ee Nairobi Yaasiin Ciise Wardhere ayaa warbixintan soo diray.