Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Doorashada Trump iyo Soomaalida Gobolka Ohio


Hogaamiyeyaasha Muslimiinta ee Mareykanka ayaa bilaabay inay dadka Muslimiinta ah u sheegaan inaysan niyad jabin, ku dhawaad todobaad ka dib markii la doortay Madaxweynaha Cusub ee Mareykanka Donald Trump, oo horey u sheegay inuu Muslimiinta ka mamnuucayo inay soo galaan mareykanka hadii xilka loo doorto.

Somalida ku nool Gobolka Ohio oo ka mid ah gobolada ay Somalida ugu badan ku noolyihiin Mareykanka ayaa weli hadal haya doorashada Trumo, iyadoo hogaamiyeyaasha diinta iyo indheer garadkaba ay u sheegayeen dadka in Mareykanka uu ka weynyahay Trump isla markaana uu leeyahay sharci iyo kala dambeyn.

Wariyeheenna Cabdi Kaafi Yuusuf ayaa qaar ka mid ah wax garadka somalida la hadlay warbixintanna nooga soo diray halkaa .

Dhegayso: Warbixin ku saasban dareenka Soomaalida gobolka Ohio ee dooraashada Maraykanka
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:23 0:00

XS
SM
MD
LG