Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweynaha Soomaaliya oo Baaq Ka Soo Saarey Abaarta


Somali President
Somali President

Madaxweynaha Somalia Xassan Sheikh Maxamuud ayaa ku baaqey in la caawiyo dadka la tabaalaysan ee ay abaaraha ku dhuftey qeybo ka mid ah wadanka Somalia.

Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud ayaa ku sheegay war qoraal ah oo xafiiskiisa kasoo baxay in dadka soomaaliyeed ee dunida ku dhaqan in ay is barbar taagaan dadka dhibaataysan ee aanan haysanin cuntada, iyo biyaha, abaaraha ku dhuftay meelo ka mid ah dalka .

Waxaa sidoo kale Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud uu u jeediyey baaq kaas mid la mid ah hayadaha Calaamiga ah.

Gobolo badan oo Somalia ah ayaa waxaa abaartu ay saameyn ku yeelay dad iyo duunyaba, waxaana kuwa ugu daran ay yihiin, gobolada dhinacyada Waqooyi Galbeed iyo Waqooyi Bari, deegaanada Puntland iyo Somaliland.


XS
SM
MD
LG