Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Clinton: Waan la Shaqeynayaa Trump


Hillary Clinton oo ahayd musharrixii Dimoqraadiga ayaa qirtay in looga adkaaday doorashaday, iyadoo sheegtay in rajaynayso in madaxweynaha la doortay ee Trump uu noqdo madaxweynaha shacabka Maraykanka oo dhan.

Clinton ayaa filaysay inay noqoto haweenaydii ugu horreysay ee madaxwne noqota, balse rajadaaasi ayaa xalay dhammaatay, kadib markii doorasho taariikhi ah uu Trump kaga adkaaday.

Hillary Clinton waxay taageerayaasheeda NY ugu sheegtay in guuldarrada ay la kulantay ay xanuun badan tahay, balse waxay dadkaasi ku boorisay iyo intii u coddeysayba inay taageeraan Donald Trump.

Dhinaca kale, madaxweyne Barack Obama oo isagu u ololeeyay Clinton ayaa sheegay inay taageersan yihiin Trump si uu ugu guuleysto mideynta iyo hoggaaminta dalkan.

Obama ayaa Trump ku martiqaaday Aqalka Cad si ay uga wadahadlaan xil-wareejinta oo dhici doonta 20-ka bisha January ee 2017.

XS
SM
MD
LG