Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump oo Weerar ku Qaaday Soomaalida Minnesota


Donald Trump
Donald Trump

Musharaxa madaxtinimada Mareykanka ee xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa mar kale weerar afka ah ku qaadey Soomaalida Mareykanka, isagoo sheegey in ay la dageen dhiabaatana ku hayaan gobolka Minnesota.

Trump oo shaley galinkii danbe gaarey Minnesota ayaa hadalkan u sheegey dad isku soo baxay oo taageerayaashiisa ah isagoo si dadban u weeraya Soomaalida.

“Oooh Minnesota, Ooh Minesota, wada ogtihiin waxa socda waanad ogtihiin. Ma ogtihiin waxaan ka hadlaayo, ooh, ma doonayo inaan sida siyaasiyiinta u hadlo dunida oo dhan ayaa og wax aka socda Minnesota, dunida oo dhan baa og waxa idin heysta” ayuu yiri Trump.

“Hillary waxa ay dooneysaa in ay kordhiso tirada qaxootiga 550%, qaxootiga ka imanaya Syria ee wadankeena imanaya. Waxa ay dooneysaa tiro aanan xad laheyn oo qaxooti iyo soo galooti ah in ay dalka yimaadaan, waliba ay Minnesota yimaadaan”

Donald Trump oo ah nin aan la ganban bulshada uu doonayo inuu wax ka sheego ama weeraro ayaa si gaar ah hadalkiisa ugu xusey Soomaalida iyo sida uu yiri sida ay xagjirnimadooda u saameysey gobolka Minnesota.

“Minnesota waxaad marqaati ka tihiin oo aad aragteen dhibaatada ka timaada marka qaxootiga aan si qoto dheer loo baarin dadka imanaya dalkan. Tiro badan oo Soomaali qaxooti ah ayaa gobolkiinan la soo dejiyey gaar ahaana gobolkan iyadoo aanan la idinkala tashan oo aanan taageero muujin. Qaarkood waxa ay ku biirayaan ISIS iyagoo ballaarinaya kuna faafinaya aragtidooda xagjirnimada wadankeena iyo caalamkaba”ayuu yiri Trump.

Falastiin Axmed Iimaan ayaa warbixintan noo haysa.

Trump oo Weeraray Soomaalida Minnesota
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:50 0:00


XS
SM
MD
LG