Doorashada aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabantay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, waxaana halkaas lagu doortay qaar ka mida mudanayaashii ugu horreeyey ee ka mid noqda golaha Shacabka ee Soomaaliya.
Goobo doorasho oo ku kala yaalla magaalada Garowe ayaa 51 ergo ahi ay halkii kursiba ku kala saarayeen xildhibaannada tartamaya, waxaana mudanayaashii ugu horreeyey ee ku guulaystay doorashada ka dhacday Garoowe ka mid ahaa, Xildhibaan Cali Yuusuf Cali, Xildhibaan Cumar Ismaaciil Waaberi, Xildhibaan Siciid Daahir, Xildhibaan Cilmi Cumar Caynanshe, Xildhibaan Axmed Ismaaciil Xaaji, Xildhibaan Maxamuud Xayir iyo xubno kale.
Doorashada ka socota Garowe ayaa la filayaa in maanta oo sabti ah la doorto 12 kursi.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyey doorashada mudanayaasha aqalka hoose ee ka bilaabantay Garoowe, wuxuuna sheegay in ergo gaadhaysa 14,025 ay dooran doonaan illaa 275-ka xildhibaan ee ka mid noqon doona golaha shacabka ee Soomaaliya.
Warar kale oo naga soo gaadhaya Garoowe ayaa sheegay in hannaanka doorashadu uu xilligan u socdo si habsami ah, inkasta oo wararka qaar ay sheegayaan in xalay magaalada laga maqlay rasaas kala duwan oo dhacaysa, hase ahaatee weli laamaha ammaanka ee Puntland arrintaasi kamay hadlin.