Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xaalada bani’aadannimo oo Ka taagan Mosul 


Recaptured cities and villages surrounding Mosul are in ruins, with electricity and water cut and buildings in rubble in Bartella, Iraq, Nov. 2 , 2016. (H. Murdock/VOA)
Recaptured cities and villages surrounding Mosul are in ruins, with electricity and water cut and buildings in rubble in Bartella, Iraq, Nov. 2 , 2016. (H. Murdock/VOA)

Jawiga gudaha iyo hareeraha magaalada Mosul oo aad u xumaa dartii ayey xoogaga duulaanka ku qaaday magaaladaasi sheegeen in ay ku kalliftay in ay ku nagaadeen aagagi ay ku waabariisteen aroornimadii Arbacada.

Iyadoo ay wali is hor joogaan ciidamada isbaheysiga iyo xoogaga kale ee Daacish, ayaa waxaa sii kordhaya qeyla dhaanta Hey’adaha Gargaarka ee ku aadan qatarta dadka rayidka ah ee ku go,doonsan magaalada Mosul.

Wolfgang Gressmann oo ah sarkaal sare ka tirsan hey’ada Golaha Qaxootiga Norway ee loo soo gaabiyo NRC, ayaa sheegay in nolosha dad gaaraya 1.2 milyan oo ruux ay ku sugantahay khatar aad u daran.

NRC ayaa sidoo kale sheegtay in kumannaan kun oo rayid ah ay ka carareen magaalada, halka kuwo kale oo aad u badanna ay dileen kooxaha guryaha korkooda wax kasoo toogta iyo miinooyin wadada lagu aasay.

Afhayeen u hadlay wasaaradda gaashaandhiga Mareykanka ee Pentagon-ka Captain Jeff Davis ayaa ka digay in gudaha magaalada ay ku jiraan wali dagaalyahano gaaraya ugu yaraan 5,000 o ka tirsan kooxda Daacish.

XS
SM
MD
LG