Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Beesha Caalamka oo ka Walaacsan Doorashada Soomaaliya


Qaramada Midoobay, Urur Goboleedka IGAD iyo dalalka daneeya arrimaha Somalia ayaa sheegay inay aad uga walaacsan yihiin 'eedeyma soo baxaya oo la xiriira musuq maasuqa ka dhex jira nidaamka doorashada ee Soomaaliya, iyo hanjabaadyo iyo cabsigelin ka dhan ah musharraxiinta Baarlamaanka, odayaasha xubnaha soo dooranaya iyo saraakiisha doorashooyinka.

Hadalkan ayaa lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya (UNSOM), kaasoo ay si wadajir ah u soo saareen Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, urur goboleedka IGAD, Itoobiya, Talyaaniga, Sweden, Ingiriiska, iyo Maraykanka.

Qoraalkan ayaa lagu sheegay in dhinacyada ku saxiixan ay ka xunyihiin dib u dhaca ku yimid codbixinta Aqalka Hoose oo Qorshuhu ahaa inay dhacdo 23kii bishan Oktoobar ee dhamaaneysa.

Qoraalkan ayaa lagu dalbaday dhamaan dhinacayada Somaalida ee ku lugta leh arrimaha doorashada inay qaadaan talaabooyin deg deg ah oo lagu dardargelinayo qabsoomidda doorashada.

Wuxuu booriyay qoraalkan in dhinacyadu ay dhowraan kalsoonida lagu qabi karo hanaanka doorashada ee waddanka.

Waxaa kaloo ay soo jeediyeen in qolyaha qaswadayaasha ah aan la siin fursad ay ku carqaladayn karaan doorashada. Isla markaana madaxda maamul goboleedyada ay kaalin ka geystaan xal u helidda caqabada ka hor imanaya doorashada.

Ugu dambeyntii qoraalkan ka soo baxay beesha caalamka ayaa uga digay maamul goboleedyada iyo guddiyada doorashooyinka heer dawlad goboleed inay qaadayaan mas'uuliyadda, haddii odayaasha wax dooranaya ay guul darraystaan.

XS
SM
MD
LG