WASHINGTON.DC —
Dawladda Kenya ayaa Bandow kusoo rogtay magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya kadib weerarro is-dabajoog ah oo dhacay bishan gudaheega.
Weerarkii ugu dambeeyey oo dhacay maalintii Talaada ayaa maleeshiyada Al-Shabab waxay ku dileen 12 qof kadib weerar ay ku qaadeen hoteel ay ku sugnaayeen dad rayid ah.
Weerar kaasi ka duwan oo dhacay 6-dii bishan Oktoobarna Al-Shabab waxay ku dishay lix qof oo kale.
Kenya ayaa sheegtay in bandowgan uu shaqayn doono tan iyo 27-ka bisha Diisambar, waxayna sheegtay in loo qaaday amniga magaalada iyo rayidka dartoodd.