Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal Markale Ka Dhacay Gaalkacayo


Gaalkacayo: Imaam iyo Ganacsade ayaa la Xiray
Gaalkacayo: Imaam iyo Ganacsade ayaa la Xiray

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Gaalkacayo ayaa sheegay in saaka subaxdii uu dagaal ka dhacay magaalada Gaalkacayo kaas oo u dhexeeya ciidamada maamullada Puntland iyo Galmudug.

Dagaalkan ayaa wararku sheegayaan inuu bilawday 5:00 subaxnimo wakhti lagu qiyaasay halka uu joogsaday illaa 12:00 duhurnimo wakhtiga geeska Afrika.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dagaalkani uu sababay dhimasho iyo dhaawac, hase ahaatee faahfaahin sugan lagama hayo xaddiga khasaaraha ka dhashay dagaalkan.

Dhinaca kalena Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ugu yaraan dagaallada kasoo cusboonaaday magaalada Gaalkacayo ay ku barakaceen in ka badan 75,000 oo qof, waxayna sheegtay Qaramada Midoobay in illaa 40,000 oo ka mid ah dadkaasi ay qaxayaan markii labaad sababtoo ah waxay ahaayeen dad hore usoo barakacay.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in tan iyo 7-dii Oktobar ay 18 qof ku dhinteen dagaalladan kuwaasi oo 20% ay yihiin dad rayid ah.

XS
SM
MD
LG