Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shabaab oo Weeraray Degmada Afmadow


Shabaab
Shabaab

Ugu yaraan sadex qof ayaa ku dhimatay shan kalena way ku dhaawacmeen kadib weerar qorsheysan oo xalay 10-kii fiidnimo ay Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al s­habaab ay ku qaadeen degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Maleeshiyaadka Al shabaab ayaa weerarka la beegsaday saldhig ay Ciidamada amaanka ay ku leeyihiin bartamaha magaalada Afmadow gaar ahaana nawaaxiga kawaanka magaalada, halkaasoo uu labada dhinac ku dhexmaray dagaal saacado qaatay.

Goobjoogayaal ayaa VOA u sheegay in labo kamid ah sadexda ruux ee dagaalka ku dhintay ay ahaayeen ciidamadii la weeraray ee Jubaland, halka qofka kalena ay ahayd Haweeney da’a taasoo ku geeriyootay rasaasta ay labada dhinac is waydaarsanayeen. Sidoo kale waxaa dagaalkaasi ku dhaawacmay shan ruux oo isugu jira ciidamada Jubaland iyo dad rayid.

Si irasmi ah looma oga khasaaraha dagaalka ka soo gaaray Maleeshiyaadkii Al shabaab ee weerarka ku soo qaaday degmada Afmadow, marka laga tago masuulyiita iyo saraakiisha Maamulka Afmadow oo sheegtay inay Al shabaab ay dagaalkaasi uga dileen tira askar ah.

Dadka magaalada Afmadow ayaa VOA u xaqiijyay mudadii u dagalaka socday ay labada dhinac isku adeegsadeen hub culus, ayadoo wararka aanu ka helayno Afmadow ay sheegayaan in diyaarado dagaal ay markii dambe duqeeyeen Maleeshiyaadkii Al shabaab ee weerarka soo qaaday taasoo sababtay inay magaalada isaga baxaan.

Degmada Afmadow ee Gobbolka Jubada Hoose ayaa kamid ah meelaha ay go’doomiyeen Maleeshiyaadka Al shabaab, waxaana Maleeshiyaadka Al shabaab ay ka arrimiyaan deegaanada iyo tuulooyinka ku teedsan magaalada Afmadow.

XS
SM
MD
LG